(August 25,2016) Madaxwayne ku xigeenka Mareeykanka oo booqasho ku jooga Sweden ayey ka wada xaajoodeen xaaladda qaxootiga Yurub iyo arrimmo kale

Kulan uu madaxa dawaladda Sweden la yeeshay Madax-weyne ku xigeenka Mareeykanka Joe Biden oo booqasho ku jooga Sweden ayey ka wada xaajoodeen xaaladda qaxootiga Yurub iyo arrimmo kale ee ku saabsan siyaasadda caalamka.

Kulanka labada mudane ayaa sidoo kale looga wada hadley xaaladda siyaasadeed ee dalka Turkiga. Cabsida laga qabo dalka Ruushka iyo siyaasadda gaaska ee dalkaasi Yurub u dhoofiyo, mar ey kulan ku yeesheen xarunta madaxtooyada ee dalka Sweden.

Joe Biden, ahna madax-weyne ku xigeenka dawladda Mareeykanka ayaa talo ku siiyay madaxa dawladda Sweden iyo dhammaan waddammada xubnaha ka ah EU siyaasadda la xiriirta tamarta. Iney ka hor-yimaadaan go’aankan dhuummaha labaad ee gaaska loogu dhigeyo badda Ötersjön ee lagu magacaabo, Nord Stream 2, ee gaaska ka soo qaadi doona waqooyiga dalka Ruushka, si loo gaarsiiyo waddammada xubnaha ka ah EU.

Madax-weyne ku xigeenka dalka Mareeykanka ayaa iminka ku jira booqasho uu ku marayo waddammada Yurub sidii loogu diyaargaroobi lahaa kulan caalami ah ee la xiriira xaaladda soo-galootiga caalamka ee ka dhici doona 20-ka bisha septeembar xarunta caalamiga ee Qarammada Midoobey.

Isha/ Ekot

http://sverigesradio.se/sida/artikel.aspx?programid=2172&artikel=6503812&playaudio=5815009