(August 25,2016) Shirkadda Google oo bilawday Duo oo ah video app oo lagu hadlo si uu ula tartamo FaceTime, Skype iyo Messenger

Google ayaa bilawday video app, oo la dhaho Duo. Waxay u dhigantaa app-yada kale ee la iskula hadlo ee FaceTime ee Apple, Skype ee Microsoft iyo Messenger ee Facebook.

Kama duwana video-yada kale ee la iskula hadlo, inta aan ka ahayn inay macaamiisha siiso in la is arko, iyadoo qofka fursad siinaysa inuu ka jawaabo teleefoonka iyo in kale.

Google ayaa sheegtay inay ugu yeeri doonto “knock, knock”.

 App -ka cusub ayaa markii ugu horaysay lagu dhawaaqay bishii May, waxaana laga heli doonaa si lacag la’aan ah teleefoonada ku shaqeeya Google Android iyo teleefoonada Apple ee iPhones.

Sida FaceTime ee ku shaqeeya iOS, Duo ayaa u baahan oo kaliya qofka numbarka teleefoonkiisa oo kaliya.

Adeegyo kale oo badan waxay u baahan yihiin in labada qof ee iswacaya ay u baahan yihiin inay is diiwaan galiyaan, si ay u isticmaalaan video-ga la isku Waco. Google ayaa horay u samaynaysay adeegyada video-ga ee la iskula hadlo ee Google Hangouts tan iyo 2013, laakiin hadda shirkadda Google ayaa adeegaas ay ugu tala gali doontaa shirkadaha inay u isticmaalaan shirarkooda xafiisyada, sidaas darteed looma isticmaali doono adeeg lagu sheekaysto.

Duo ayaa loo sameeyay si sahlan, si aad u aragtid saaxiibadaa iyo reerkaaga adigoo hadlaya.

App-ka ayaa adduunka oo dhan gaari doona maalmaha soo socda.