(August 27,2016) Warqadda caafimaadka musharaxa xisbiga jamhuuriga dalka Maraykanka ee Trump Muran oo muran ka dhashay.

Dakhtarka Donald Trump ayaa sheegay in ay shan daqiiqo ku qaadatay waraaqdii caafimaadka ee uu u qoray murashaxa xisbiga Jamhuuriga isaga oo wali Trump uu banaanka ku sugayay gaarigiisu.

“dagdagii aan waraaqda u qoray awgeed erayada qaarkood si rasmi ah ugama turjamayaan fariintii ay ahayd in ay gudbiyaan” Dakhtar Harold Bornstein ayaa sidaas u sheegay telefeshinka NBC News

Waraaqda uu qoray Dr Bornstein ayaa lagu sheegay in Trump oo 70 jir ah uu noqon doono “shaqsigii ugu caafimaad wanaagsanaa ee abid la doorto”.

Dakhtarku wuxuu sheegay in ereyada uu isticmaalay marka uu waraaqda qorayay ay ahaayeen kuwii uu muarashaxu sheegtay.

Labo todobaad kahor inta aan waraaqdaas la qorin, Trump ayaa Twitter-kiisa ku soo qoray “in dhakhtarkiisa khaaska ah ee wakhtiga dheer gacanta ku hayay xaaladdiisa caafimaad uu kula taliyay in uu labo todobaad gudahood ku daabaco xaaladiisa caafimaad oo dhamaystiran” isaga oo intaas ku daray in ay dadku ku qanci doonaan”.

Trump ayaa intaas kaddibna soo bandhigay warqada muujinaysa xaaladdiisa caafimaad ee uu soo qoray Dr Bornstein, taas oo su’aalo la galiyay laguna tilmaamay in dakhtarku uu ka badbadiyay.

Trump haddii la doorto wuxuu noqon doonaa madaxwaynihii ugu da’ waynaa ee abid laga doorto dalka Maraykanka.