(August 28,2016) 145 sano jir u dhashay Indonesia oo sheegtay ninka dunida ugu da’da weyn

Nin u dhashay dalka Indonisia ayaa ku dhowaaqay inuu yahay 145 sano jir, isagoo sheegay in uu diyaar u yahay inuu dhinto isuna diyaarinayay muddo 22 sano ah dhimasho.

 

Sida ay cadeynayaan dukuminti ay dowlada Indonisia xaqiijisay Mbah Gotho waa 145 sano jir dhashay 31kii December 1870.

 

Dhammaan carruurtii uu dhalay odaygan ayaa geeriyooday balse waxaa nool oo haatan la nool yahay carruur uu awoowe u yahay kuwaasoo ah carruur illaa shan fac ka soo jeeda.

 

Haddii sheegashadaan ay sax tahay waxaa uu noqonayaa qofka ugu da’ada weyn caalamka,hase yeeshee waxaa hore dunida ugu da’ada weynaa haweeney u dhalatay dalka Faransiiska Jeanne

Calment oo nooleyd muddo 122 sano.

 

.150-jir-1nintchdbpict000262161953