(August 29,2016) Gabon: Muran ka taagan Natiijada Doorashada Madaxweynaha – VIDEO

Labada nin ee u tartamaya xilka Madaxweynaha dalka Gabon ayaa wada sheegtay inay ku guuleysteen doorashada, isla markaana ka dhawaajiyey in uu jiro musuq maasuq.

 

Madaxweynaha xilka haya Ali Bongo ayaa sheegtay inuu xilka ku guuleystay, balse waxaa isaguna guul sheegtay Hogaamiyaha Mucaaridka Jean Ping oo horey usoo noqday Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Qoyska reer Bongo ayaa kasoo talinayey dalka Gabon tan iyo sanadkii 1967 xiligaasi oo Madaxweyne loo doortay Cumar Bongo oo ah Aabaha dhalay Madaxweynaha hada xilka haya ee Ali Bongo.

Tartanka doorashada sanadkan ayaa waxaa kusoo biiray Jean Ping oo horey usoo noqday Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika sanadkii 2008 illaa 2012, isla markaana horey xilal uga soo qabtay xukuumadihii hore ee dalkaasi Gabon.

Labada hogaamiye ayaa hada mid waliba sheeganayaa inuu guul gaaray iyadoo aan weli lagu dhawaaqin natiijada rasmiga ah. Dalka Gabon oo xoriyada ka qaatay Gumeystihii Faransiiska ayaa ah dal yar oo ku yaal Galbeedka Afrika balse qani ku ah dhinaca Batroolka.


Horseed Media