(August 29,2016) Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan Xabsi ku yaalla India

Axmed Maxamed Rooble oo ka mid ah 118  Maxbuus oo Muwaadiniin Soomaaliyeed ah ee ku xiran Xabsi ku yaalla Magaalada Mumbay ee dalka India ayaa Shabelle u sheegay in dhibaato aad u liidata  oo dhanka Nolosha ah ay ku heysato Xabsigaas.

Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa xusay in Soomaalida ku jira Xabsiga ku yaalla Mombay aysan heysan Daryeel Caafimaad , Cuno ku filan  isagoo intaas sii raaciyay  in muddo sanado ah ay ku jiraan Xabsigaasi  ayna dhibaatooyin ku qabaan halkaasi.

Waxaana uu Muwaadinkaan ka dalbanayaa Dowladda Soomaaliya in ay gacan ka  geysato sidii Xabsiga looga deyn lahaa Muwaadiniintaan Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka India.

Dhiniciisa Cabdirisaaq Nuurre oo ka mid ah dadka ku xiran Xabsigaas ayaa carabaabay in markii hore ay ahaayeen 120 qof oo Somaali ah, 2 ka mid ahna ay Xabsiga ku geeriyootay haatanna ay dhan yihiin 118 qof , waxaana uu carabaabay in dadkaan laga soo qab qabtay Xeebaha dalalka Sooomaaliya iyo Cumaan , qaarkoodna loo heysto Burcadbadeednimo halka qaarkoodna la soo qab qabtay iyagoo kalluumeysanaya , isagoo hoosta ka xariiqay in aan wax Maxkamad ah weli la soo taagin.

Sidoo kale Cabdirisaaq Nuure ayaa intaas ku daray in Masuuliyiin ka tirsan dowladda  oo horay ku soo booqday Xabsiga ay ku xiran yihiin ay u ballan qaadeen in la sii deyn doono balse aan waxba ka soo naasa cadaan.

Inta badan Xabsiyada Caalamka ayaa waxaa ku dhibaateysan Muwaadiniin Soomaaliyeed oo intooda badan sabab la’aan isaga jiray Xabsiyadaasi.