(August 31,2016) Israel oo ansixisay dhisida 285 oo guryo cusub ah oo laga dhisayo dhulka ay ka haysato Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed

Israel ayaa ansixisay dhisida 285 oo guryo cusub ah oo laga dhisayo dhulka ay ka haysato Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed, sida ay sheegtay ururka Peace Now.

 234-guryo ee Elkana, 30 guryo ee Beit Arye iyo 20 laga dhisayo Givat Zeev ayaa la ansixiyay Talaadadii.

Waxaa sidoo kale la ogolaaday 179 guryo oo ka dhisnaa Ofarim.

 Maraykanka ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin, waxayna ka digeen in dhismaha guryaha ay qatar ku tahay nabada Israel iyo Falastiiniyiinta.

Ilaa 570,000 oo reer Israel ayaa degan in ka badan 100 goobood oo ay Israel ay dhisatay tan iyo 1967-dii markii ay Israel qabsatay Daanta Galbeed iyo Bariga Jerusalem.

Dhismaha guryaha ee dhulka ay Israel haysato ayaa loo arkaa inay ka soo horjeedo sharciga caalamka, inkastoo Israel ay diidan tahay.