
Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigii uu hoggaaminayey oo mudooyinkii ugu dambeeyey safaro ay ugu ollalaynayo Muuse Bixii Iyo Xisbiga gabalkiisu dhacay ee KULMIYE ugu maqnaa dalalka imaaraadka iyo UK,isla markaana dhaqaale loogu raadinayayey, ayaa hadda dalka ku soo gurya noqday.
Weftiga uu hoggaaminayey Madaxweyne Siilaanyo ayaa kala kulmay saaka magaalada Hargeysa, soo dhaweyn la’aan iyadoo ay bulshada reer Hargeysa gacmaha ka laabteen in ay soo dhaweyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa,waxaana xusid mudan in shaqaalihii dowlada oo qudhi ay soo dhaweynta Siilaanyo iyo in Bixii ka qayb-qateen.
Dhanka Kalena Siilaanyo iyo Muuse Bixii ayaa weji-gabax kala soo noqday dalalka imaaraadka iyo UK, halkaasi oo ay u tageen sidii ay taageero dhaqaale ugu raadin lahayeen Xisbiga calaantiisu cadaatay ee KULMIYE,balse jahliyadaha reer Somaliland ee dalalkaasi ayaa kaga jawaabay Aamus.