Baaritaan lagu sameynayo emailada haweeney kaaliye u ah Hillary Clinton

Dambi baarayaasha Mareykanka ayaa helay ogolaansho maxkamadeed oo ay ku baari karaan kumannaan email oo ay leedahay haweeney kaaliye sare u ah Hillary Clinton.

Jimcihii ayuu madaxa FBI-da Mareykanka, James Comey, waxa uu ku dhawaaqay in uu dib u bilaabayo baaritaankii ay ku hayeen sida ay Mrs Clinton u isticmaashay emailkeeda gaarka ah markii ay aheyd Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalkaasi.

Hogaamiyaha Xisbiga Dimuqraadiga ee ka tirsan Sanate-ka Maraykanka ayaa sheegay in ay suurto gal tahay in FBI-du sharciga jabisay maadaama oo ay shaaciyeen in hay’adda baadhistu bilowday baadhitaan ay ku hayso emaillo ay suurto galtahay in lala xidhiidhin karo Hillary Clinton.

Harry Reid, ayaa ku eedeeyay agaasimaha FBI-da, James Comey, in uu ku xadgudbay sharci saraakiisha dowladda ka horjoogsanaya in ay qaadaan tallaabo saamayn ku yeeln karta doorashada.

Warka ku saabsan in FBI-du bilowdan baadhitaan ayaa soo baxay iyadoo laba todobaad wax ka yari ka hadhsanyihiin doorashada Maraykanka.

Sidoo kale waxa la sheegayaa in FBI-du heshay fasax maxkamadeed oo ay ku baadhayaan emaillo badan oo ay lahayd haweenay kaaliye sare u ahayd Clinton.