Baarlamaanka Jermalka oo mamnuucay indho shareerka

Xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka Jermalka ayaa meelmariyay sharci qayb ahaan mamnuucaya xirashada indho shareerka Muslimiinta.

Biilkan ayaa hadda la horgayn doonaa aqalka sare e baarlamaanka si loo meelmariyo.

Shaqaalaha dawladda, garsooreyaasha iyo askarta ayaa laga hor istaagi doonaa in ay shaqada indho sharer ku xirtaan.

Xisbiyada dhanka midig xiga ayaa u ol’olaynayay in dalka oo dhan laga mamnuuco in indho shareer lagu xirto goobaha ay bulshadu isugu tagto.

In kabadan hal milyan oo soogalooti ah oo badan kood ay yihiin Muslimiin bariga dhexe ka tagtay ayaa galay Jermalka 18kii billood ee la soo dhaafay.

Arrintaas waxaa dabosocday weeraro kala duwan oo ay qaadeen dad jihaad doon ah, waxaana ka mid ahaa midkii Baarliin ka dhacay maalintii iidda masiixiyiinta ee loo adeegsaday gaariga, kaas oo ay ku nafwaayeen 12 ruux.

Warbaahinta Jermalka ee ARD ayaa dhawaan lagu dhaliilay in uu ogolaaday in ay dood telefishin ka qaybgasho haweenay u dhalatay Switzerland oo indho shareer qabta

Wasiirka arrimaha gudaha Thomas de Maiziere ayaa sheegay in arrintan lagu mamnuucayo indha shareerku ay muujinayo sida dhaqamada kale looga dulqaadan doono Jermalka.

Xisbiyada garabka midig xiga ee Jermalka ayaa doonaya in lagu daydo Faransiiska oo meelaha bulshadu isugu timaado ka mamnuucday xirashada indho shareerka tan iyo sanadkii 2011ka.

Bishii Desembar ee sanadkii hore ayay Angela Merkel ku baaqday in indho shareerka laga mamnuuco meel kaste oo sharcigu ogol yahay, iyada oo sheegtay in uusan munaasab ku ahayn dalkeeda.

Dadka arrintan dhaliishan waxay sheegeen in mamnuucitaankan uu saamayn yar yeelan doono maadaama ay dalkaas ku nool yihiin Muslimiin yar.