Baarlamaanka Soomaaliya oo deg deg ugu yeeray Wasiirka Dastuurka

Baarlamaanka Soomaaliya oo deg deg ugu yeeray Wasiirka Dastuurka

by A M Wednesday, Jul 26, 2017 

July 26 (Jowhar)— Guddoonka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u yeeray Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil, kaddib markii Xildhibaano dhowr ah ay ka keeneen Mooshin lagu dalbanayo inuu ku hor-yimaado Baarlamaanka.

Sida ay sheegayaan wararka Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu yeeray wasiir Xoosh inuu Baarlamaanka hor yimaado maalinta Axada ee soo socota.

Mid ka mid ah Xildhibaanadii qoray mooshinka lagu dalbanayo Wasiir Xoosh ayaa sheegay inay ka doonayaan Wasiirka inuu Baarlamaanka hor-yimaado, si ay wax uga weydiiyaan hadalo dhowaan ka soo yeeray

Wasiir Xoosh ayaa loo heystaa qoraal yy ku qoray bartiisa Twitter-ka, kaasoo uu ku naqdiyay go’aankii Baarlamaanka uu ku diiday amarkii Maxkamadda sare ee ahaa in dib loogu laabto doorashada 8 kursi oo muran la geliyay sharci ahaanshahooda.

Mr Xoosh ayaa sheegay ayaa sheegay in Baarlamaanka aanay awood u laheyn inay jebiyaan go’aan ay gaartay Maxkamadda sare, taasoo sida muuqata Xildhibaanada ka caroodeen.

Dhinaca kale Wasiirka Garsoorka ayaa isna maalinta Sabtida looga yeeray Golaha shacabka, iyadoo loogu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku horkeeno sharciga dhismaha Guddiga Adeega Garsoorka.

Khilaaf u muuqda awooda sharciyadeed ee dalka ayaa waxaa uu ka dhex qarxay Golaha shacabka oo ah hey’adda sharci dejinta iyo Maxkamadda Sare oo ah hey’addii ugu sareysay Garsoorka oo ka mid ah hey’adaha madaxa banaan.