Beesha Caalamka oo Itoobiya ka saacideysa Shaqa abuur baaxad leh

Dawladda Britain, Midawga Yurub iyo Bangiga Adduunka ayaa ku dhawaaqay qorshe ay shaqo abuur ugu samaynayaan 100,000 oo Qof oo ku sugan dalka Itoobiya.

Beesha Caalamka, ayaa u ballan qaadday iney Dalkaasi ka dhiseyso Labo warshadood, wuxuuna Mashruucaas ku kici doona 500 oo milyan oo doolarka Maraykanka ah,waxana halkaasi camal ka heli doona Kumanaan Ruux oo u badan Dhallinyaro.

Mashruucan oo loogu talo galay in lagu xakameeyo qulqulka qaxootiga iyo ka hortagga Saboolnimada, ayaa waxaa madasha New York hordhigtay Dowladda Itoobiya, iyadoo lagu xiray inay marka hore Dowladdu 30,000 oo qaxooti ah siiso ruqsado shaqo.

Ra’iisul wasaaraha Dalka Britain, Theresa May, ayaa sheegtay inuu Mashruucani tusaale fiican u yahay, sida loo caawin karo Dowladaha saboolka ah ee marti geliya muhaajiriinta faraha badan.

Itoobiyo waxay hoy u tahay xilliga Qaxootiga ugu badan ee Qaaraddan Afrika, waxaana la sheegayaa iney gaarayaan 700,000 , kuwaas oo intooda badan ka soo jeeda waddamada Suudaanta Koonfureed, Eritrea iyo Soomaaliya.

Isha BBC