Beesha caalamka oo Maamul Goboleedyada ugu yeertay inay soo dhameystiraan Qoondada Haweenka ee Aqalka Sare..

Beesha caalamka ayaa Maamul Goboledyada dalka ka jira waxa ay ugu baaqday inay soo dhameystiraan Qoondada Haweenka ay ku leeyihiin Aqalka Sare ee dalka, kadib markii Guddiga Doorashada Dadban ee dalka ay dib ugu celiyaan Maamul Goboledyada Jubbaland, Puntland iyo Galmudug Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare.

War ka soo baxay Beesha caalamka ayaa waxaa lagu sheegay inay taageerayaan go’aan ka Guddiga Doorashada Dadban ee dalka ay ku muujiyeen Ilaalinta Heshiiskii ay wada gaareen Maamulayaasha Somaliya.

Waxa ay sheegeen xubnaha Beesha caalamka muhiim inay tahay xaqiijinta Kootada Haweenka ee Aqalka Sare, iyadoo la eegaayo Heshiiskii ay horay u wada gaareen Xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran.

“Saaxiibadda Caalamiga ee Somaliya waxay soo dhaweeyeen go’aanka ay Guddiga Doorashadda Dadban ee Heerka Federalka ku dhowrayaan Sharciga iyo Ballanqaadyadda ay Hoggaamiyayaasha Somalida sameeyeen.” Ayaa lagu yiri qoraalka

Beesha caalamka waxa ay soo dhaweysay Maamulka Koonfur Galbeed oo si rasmi ah u xaqiijiyay Kootada Dumarka ee Aqalka Sare ee dalka.

“Beesha Caalamka waxay soo dhaweysay talaabadda ay Maamul-gobaleedka K/Galbeed ku soo dhamaystireen Koontadda Haweenka ku leeyihiin Aqalka Sare.”

Xubnaha Beesha caalamka ayaa ugu dambeyn ka digay dib u dhac ku yimaado Doorashada Somaliya, waxaana ay ku baaqeen ilaalinta Jadwalka Doorashada dalka.