Beesha Caalamka oo walaac ka muujisay muranka siyaasadeed ee ka alooan Hirshabeelle

War-saxaafadeed ay wadajir u soo saareen Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Ururka IGAD, Dowladdaha Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, UK iyo Mareykanka ayaa lagu sheegay inay si dhow ula socdaan arrimaha ka dhacaya dowlad goboleedka Hirshabeelle, kaddib markii baarlamaanka uu ku dhawaaqay inuu xilka ka qaaday Madaxweynihii hore Cali C/llaahi Cosoble 14-kii bishii August.

Wafdi ka socda Qaramada Midoobey ayaa indha indheyn u tagay, magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyn, si ay u soo ogaadaan xaqiiqada jirta, iyagoo la kulmay labada dhinac.

“Iyagoo garowsan in Md. Cosoble uu diiday hanaanka xil ka qaadidda, saaxibada Soomaaliya ee caalamka waxay dhammaan dhinacyada ugu baaqayaan inay sii wadaan dadaallada wax lagaga qabanayo arrintan muhimka ah iyadoo la raacayo hababka dastuuriga ah iyo kuwa sharciga ah ee u degsan, kana fogaadaan falalka wax u dhimi kara xoojinta hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

“Iyadoo la eegayo maalgashiga weyn ee dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha ee lagu bixiyay hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada iyo dadaallada tayo dhiska ee hadda socda, saaxiibada caalamku waxay si gaar ah uga walaacsanyihiin iskudayga la sheegay in dowlad goboleed gooni ah lagu sameynayo gobolka Hiiraan”

Tallaabooyinka ay dhinacyadu iskood ugu dhawaaqaan oo aan asaas sharci lahayn, oo isla markaasna waxyeelleynaya dadaallada dhisidda dowlad goboleedyada.iyo xasilinta ee hadda socda waxay keenayaan dhibaato waxayna abuurayaan welwel. Saaxiibada caalamku waxay dhammaan dhinacyada ugu baaqayaan inay raacaan hanaanka sharci ee loo dejiyan in lagu dhaqmo, dastuurka HirShabelle iyo habraaca baarlamaanka ee u degsan.

Ugu dambeyn, War-saxaagadeedka ayaa lagu sheegay in Saaxiibada Beesha Caalamka ay ku adkeynayaan muhimadda ay leedahay in la ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed ee lagama maarmaanka u ah in horumar dheeraad ah laga gaaro hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada iyo sii xoojinta habka federaalka ka jira Soomaaliya.