
Waxaa shalay lagu qabtay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir kulan ay isugu yimaadeen, waxgarad, Siyaasiyiin, aqoonyahano iyo xubno kale oo ka tirsan Beesha Shiikhaal Jasiira.
Xubnaha ka qeyb galay kulankan ayaa soo saaray bayaan ay kaga hadkayaan aayahooda siyaasadeed, iyagoo dhinaca kale wax laga xumaado ku tilmaamay in beel kale ay sheegato iney wakiil uga tahay hanaanka doorashooyinka Somalia.
Bayaanka ay soo saareen beesha Shiikhaal jasiira ayaa u qorna sidatan:-
WAR-SAXAAFADEED
Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 19/10/2016 shir wadatashi isugu yimid dhamaan qaybaha ay ka kooban tahay Beesha Sheekhaal Jasiira waxayna ka wada hadleen mustaqbalka siyaasadeed ee Beesha, iyadoo maalmahaan ay soo if baxeysay in beel kale ay sheeganeyso inay wakiil ka tahay Beesha Shiikhaal Jasiira, haddaba anagoo taas ka dhiidhinayna ayaa waxaan soo saarnay qodobadaan soo socda:
In Beeshu ay tahay mid u madax banaan arrimaheeda siyaasadda, dhaqanka iyo Bulshada.
In Beesha marna aanay oggoleyn, oggolaana doonin, kulana gorgortameyn beel kale inay u matasho aayaheeda Siyaasadeed.
In dib loo eego nidaamka awood qeybsiga ee beelaha Banaadiriga ee Sh/hoose sida ku cad baaqii horey ay beelahaas ugu direen masuuliyiiinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo kan Federaalka.
In aysan jirin beel beelo kale oo wakiil noqon karta, taasoo micnaheedu tahay in wixii ku saabsan hab qeybsiga xubintaasi loo maro nidaam wadatashi oo ay ka qeyb qaataan dhamaan inta ay quseyso.
In Ugaas Axmed Shiikh Abiikar Wali uu yahay hogaanka dhaqanka ee Beesha Shiikhaal Jasiira loogana dambeeyo laguna taageero. Sidoo kale waxaan hiil iyo ho ku taageersannahay Murashax beesha Sheekhaal Jaziira Xildhibaan Cabdullaahi Max’ed Aweys (IFKA).
In si mideysan looga hortago ragga wax u dhimaya walaaltinimada iyo wadajirka Beesha Shiikhaal Jasiira.
Waxaa ku saxiixnaa bayaankan xubno badan oo ay ka mid ahaayeen:-
1-Nabadoon Siid Cabdi Faqi
2-Prof. Saalax Shiikh Xuseen
3-Abuukar Xasan Xaaji
4-Ustaad Yacquub Shooble Maxamed
5-Nabadoon Maxamed Baa-Xasan Maxamed
6-Maxamed Xuseen Maxuud (Maxamed Yarrow)
7-Maxamed Xuseen Cali (Zuha)
8-Cantar Cabdalla Cali
9-C/llaahi C/qaadir Macow
10-Inj. Maxamed Abuukar.