Bisha Ramadaan oo laga arkay meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya

Inta badan wadamada caalamka ayaa waxa ay ku dhowaaqeen in ay berri tahay maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan iyadoo bishana laga arkay meelo badan oo dalka ka mid ah.

Gobolada Soomaaliya ee dadka ka arkeen caawa bisha Ramadaan ayaa waxaa ka mid ah gobollada dhexe, Sh/dhexe iyo gobolada Waqooyi ee dalka. Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ayaa shaacisay in maalinta beri ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Sheekh Maxamed Kheyrow Aadan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in caawa ay bisha kowtahay, isla markaana maalinta beri ah la soomayo.

Soonka sanadkan ayaa la yimid waxyaabo badan sida roobab ka da’aya inta badan dalka kaasoo qabow iyo jawi degan dadku ay ku soomayaan, halka meelo dalka ka mid ah ay ka jirto nolol xumi iyo cunto yaraan, waxaana Alle uga baryeynaa dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu heysato in Alle ka dulqaado.