Booliska Spain oo ka hortegay weerrar labaad oo dhici lahaa

Booliska Spain oo ka hortegay weerrar labaad

Boolis baaraya gaarigii loo adeegsaday weerrarkii CambrilsLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionBoolis baaraya gaarigii loo adeegsaday weerrarkii Cambrils

Howlgal ballaaran oo uu booliska ka sameeyay waddanka Spain ayaa waxaa lagu soo gebagabeeyay israsaasayn ka dhacday degmada loo tamashlaha tago ee Cambrils, ee koonfurta magaalada Barcelona.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in shan qof oo looga shakisan yahay inay argagixiso yihiin oo xirnaa wax u muuqday suumanka la isku miidaamiyo la dilay.

Dowladda gobolka Catalonia ayaa sheegtay in booliska Cambrils uu rasaas furay kaddib markii ay arkeen dadka weerrarka soo qaaday oo gaari jiirsiinaya dad marayay wadada hareeraheeda.

Todoba qof ayaa halkaasi ku dhaawacantay.

Dhacdada ayaa lala xiriiriyay weerrar ay dad badan ku dhinteen oo goor sii horraysay ka dhacay magaalada Barcelona kaddib markii uu qof gaari uu watay uu jiirsiiyay dad fara badan oo ku sugnaa wadada Las Ramblas ee magaaladaasi.

Saddex iyo toban qof ayaa halkaasi ku dhintay halka in ka badan 100 qof oo kalana ay ku dhaawacmeen.

Boqollaal dalxiisayaal ah iyo dadka deegaanka ayaa gabbaad ka dhigtay dukaamo iyo kaniisado, xilli booliska ay bilaabeen inay baacsadaan darawalkii waday gaariga dadka jiiray.

Qof laga shakiyay ayaa la xiray, walow aanay caddeyn in uu gudaha ugu jiray gaariga.

Sidoo kale booliska ayaa magacaabay qof labaad oo laga shakisan yahay oo ay ku sheegeen inuu asal ahaan ka soo jeedo Waqooyiga Afrika, kaas oo ay rumaysan yihiin inuu gaariga soo kiraystay.