Boqortooyda Sucuudiga oo fashilisay weerar Dawladda Islaamku la damacsanayd Riyaad

Maamulka Sucuudiga ayaa sheegay in ay fashiliyeen hawgal ay kooxda la baxday Dawladda Islaamku damacsanayd in ay ku qarxiso laba goobood oo ay wasaaradda gaashaan dhiggu ku leedahay magaalada Riyaad, isla markaana la qabtay laba qof oo doonayey in ay isku qarxiyaan goobahaas.

Xog laga helay masuul sare oo ka tirsan taliska nabad sugidda oo ay wakaaladda wararka Sucuudigu baahisay ayaa sheegtay in “la qabtay labadaa qof iyaga oo is leh weerarka ku qaada labadaa goobood ee wasaaradda gaashaan dhiggu ku leedahay Riyaad, waxaana la qabty laba jaakeed oo nooca walxaha qarxa lagu xidho ah iyo sagaal bambo gacmeed, qoryo iyo toorrayo”

Xogtu waxa kale oo ay intaa ku dartay “waxa cadaatay in baadhitaanadii hor dhaca ahaa ee la sameeyey lagu ogaaday in labada qof dhalashadoodu tahay Yemen iyo in sidoo kale lala qabtay laba qof oo kale oo Sucuudi ah welina baadhitaan ku socdo xidhiidhka ka dhexeeya iyaga iyo dadkaa miidaamaha ahaa”.

Waxa kale oo warku intaa ku daray in “labada nin ee inay is qarxiyaan doonayey magacyadoodu yihiin Axmed Yaasir Al-Kaldi iyo Camaar Cali Maxamed oo la qabtay iyaga oon gaadhin goobtii ay ku socdeen”

Sucuudiga oo beryahan weeraro badan oo qaraxyo miidaame ah lala beegsaday oo ay wada sheegatay kooxda la baxday Dawladda Islaamku, ayaa hormood u ah isbahaysi milatari oo dagaal ka wada Yemen kaas oo lagu taageerayo xukuumadda Cabdrabuh Mansuur Haadi.

Dhanka kale, wakaaladda wararka Sucuudigu waxa ay sidoo kale ka soo xigatay masuul kale sare oo ka hadlayey dhacdo kale oo uu sheegay in “taliska guud ee nabad sugidda ay u suurto gashay mudooyinkii u dambeeyey in ay aad ugu dhabbo galasho dhaqdhaqa dad door ah oo xidhiidh dibadeed leh, ujeedadooduna tahay in ay weeraro la beegsadaan xarumaha nabad sugidda si ay u wiiqaan kartideeda iyo xidhiidhka wanaagsan ee ay shacabka la leedahay si ay khalkhal iyo kicin dadweyne u abuuraan isla markaana u dhaawacaan wada jirta dalka”. Waxaanu intaa ku daray in “halistoodii laga hortagay iyagiina la qabtay, dadkaas oo iskugu jira Sucuudiyiin iyo kuwo ajaanib ah baadhitaano su’aalo lagu waydiinayaana socdaan”.

Hase ahaatee ilaa haatan ma cadda in labada dhacdo xidhiidh leeyihiin iyo in kale.