Bosaso oo lagu soo bandhigay Qalab lagu dhisayo wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo – SAWIRO

Qalab ka kooban baabuur waaweyn , booyado , qalabka birta culus iyo qalab kale oo casriya, Islamarkaana ah qalabkii 2aad oo loo soo iibsho inuu ka qayb qaato dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo ayaa maanta lagu soo bandhigay dekeda magaalada Bosaso .

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Puntland , Maamulka Gobolka Bari, Ganacsato, iyo Masuuliyiin kale ayaa goob joog ka ahaa soo bandhigida qalabkan oo ah midkii 2aad ee loo soo iibsho dhismaha wada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo.

Gudoomiyaha guddiga fulinta  Cali Maxamuud Xassan , Gen Cali Ismaaciil oo xubin ka ah guddiga iyo Injineerka guud ee wada Ceel-daahir iyo Ceergaabo Aadan Yuusuf Barre , ayaa ka sheekeeyey halka ay mareyso hirgalinta dhabahani.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Maxamuud Caydiid , Gudoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado iyo Wasiirka Dekedaha, Gaadiidka Bada iyo Ladagaalanka Burcad badeeda  Dawladda Puntland ayaa dhankooda si isku mid ah u soo dhaweeyey dadaalka ay wadaan guddiga u xilsaaran wadada Ceel Daahir iyo Ceergaabo Waxayna shacabka Puntland ugu baaqeen inay ka qab qataan dhismah wadadaas.

Dhawaan ayaa la filayaa inay Puntland bilowdo dhismaha jid dheer oo laamiya kaas oo isku xiraya Ceeldaahir ilaa Ceerigaabo ka dib markii ay ku dhawaaqday Puntland barnaamij ay ugu magac dartay isku tashi lagu dhisayo ilaha dhaqaalaha dalka.

8

10

119

10

18

16

8

13