Caleema saarka Madaxweynaha Galmudug oo maanta ka dhacaysa Cadaado

Waxaa magaalada Cadaado ku sugan wufuud badan oo ka qaybgalaya Caleema saarka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele (Xaaf) oo bishii Abril ku guuleystey in uu noqdo Madaxweynaha Galmudug.

Ilaa hadda wufuudda soo gaartey xarunta kumeel-gaarka ah ee Galmudug waxaa kamid ah Madaxweynayaasha maamul goboleedyada, sida Axmed Madoobe, Cabdiweli Gaas, Cali Cabdulaahi Cosoble, iyo wasiiro ka socda Dowladda Federaalka SOomaaliya.

Xafladda Caleema Saarka waxaa lagu wadaa in uu ka qaybgalo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo noqoneysa markii u horeysey ee uu tago gobolada dhexe tan iyo markii la doortey.

Dhanka Beesha Caalamka waxaa ku sugan Cadaado wefdi uu hoggaaminaayo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Soomaaliya u fadhiya Micheal Keating iyo safiiro kale.

Amaanka magaalada Cadaado ayaa si weyn looa dkeeyey, waxaana sugidda amniga ka qyaqbqaadanaya ciidamo ka socda Dowladda Federaalka iyo AMISOM iyo weliba ciidamo mamaulka Galmudug lee yahay.