Ciidamada AMISOM oo lagu weeraray duleedka koofureed ee degmada Balcad

Ciidamada AMISOM oo lagu weeraray duleedka koofureed ee degmada Balcad

by mahad Sunday, Aug 20, 2017 
August 20 (Jowhar)—Wararka ka imanaya degmada Balcad ayaa sheegaya in kolonyo ciidamo ka tirsan AMISOM lagu weeraray duleedka koofureed ee degmada Balcad iyadoo mid kamid ah gaadiidka ciidamada AMISOM ay la qaraxday miino dhulka lagu aasay.

 

Kolonyada ciidamada AMISOM ah ayaa la sheegay in ku sii jeedeen magaalada Muqdisho waxaana sidoo kale ay la kulmeen weerar dhaba gal ah iyadoo halkaas ay rasaas isweydaarsadeen ragii weerarka geystey iyo ciidamada AMISOM.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in gaariga dagaalka ee ciidamada AMISOM ee miinadu la qaraxday uu burburay balse ay sii wateen safarkooda kadib markii rasaas ay isweydaarsadeen kooxdii soo weerartay.

Lama oga qasaaraha ka dhashay iskahorimaadkan iyadoo xaalada deegaanka uu ka dhacay weerarka oo ah meel u dhexeysa Gololey iyo Isgoys ay degen tahay.