
iidamada Booliiska dalka Austria ayaa xabsiga dhigey muwaadin Soomaaliyeed oo la sheegay inuu weerar ku qaadey Isbitaal lagu daweeyo haweenka madaxa looga jiro.
Muwaadinkaan Soomaaaliyeed ayaa da’diisa waxaa lagu sheegay 18-sano jir, waxaana hadda su’aallo weydiinaya dambi barista Austria.
Sarkaal u hadlay Booliiska Austria ayaa sheegay iney socoto baaritaanka ninkan, islamarkaana ay warbaahinta wixii macluumaad ah siin doonaan marka ay dhammeeyaan barista.
Haddii ay Booliiska dhammeeyaan baaritaanka ay ku hayaan Muwaadinkaan Soomaaliyeed ayaa wuxuu wajihi doonaa Maxkamad.