
Ciidamada Itoobiyaanka ee ku socdey magaca AMISOM ayaa muddooyinkii danbe banaynaayey saldhigyo ay kulahaayeen gobolada Hiiraan, Galguduud iyo Bakool.
Saldhiga u danbeeyey ee ciidamada Itoobiyaanku kabaxaan ayaa noqdey Halgan, waxaana subaxnimadi hore ee maanta ay u baxeen dhanka beledweyne sida ay sheegeen dadka ku dhaqan Halgan.
Saldhiga Halgan ayaa ahayd halkii al-Shabaab ay xagaagii sanadkan 2016 weerarka ku qaadeen kaas oo ay aad ugu jabeen, kadib markii Itoobiyaanku adeegsadeen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee hubka culus ku rakiban yahay.
Dadka deegaanka Halgan ayaa sheegaya in al-Shabaab ay isla saakey gaareen degmada Halgan oo ka tirsan Hiiraan.
Halgan waa magaalo istiraatiiji ah, waxa ay isku xirtaa magaalooyinka Beledweyne iyo Buuloburde, waxayna saarantahay wadada laamiga ah ee isku xirta gobolada Koonfureed iyo kuwa waqooyi ee wadanka.
Sanadkii 2014 ayey ahayd markii al-Shabaab laga qabsadey Halgan.
Laba todobaad ka hor ayaa Itoobiyaanku baneeyeen Saldhigga Ceel Cali, waxaana ay ka talaabeen dhanka xadka.