(08/08/2016) Ciidamada Maamulka Hargeysa Oo Xaalad U Saan-saan Eg Bandoodii Ciidamadii Siyaad Bare Ku Soo Rogay Magaalo-xeebeeda Ceel-lahelay ee degmada Lughaya

Xaalad bandoo ah oo aan daruuri ahayn ayaa laga soo sheegayaa in cutub ka mid ah ciidanka maamulka Hargeysa ee degan jiida FUGUXO ee degmada Lughaya in ay ku soo rogeen magaalo xeebeedka Ceel-la-helay eek u tala Bariga Degmada Lughaya. Sidan waxa u xaqiijiyay  qaar ka mid ah Cuqaal dadka degaanka oo kula soo xidhiidhay taleefanka.

“Ciidamo sooc ah oo ka amar qaata Wasiirada Maaliyada oo ah ciidan qaran hadana shadh qabiil xidhay ayaa ilaa labadii habeen ee u dambaysay Bandoo ku soo rogay dhaqdhaqaaqii iyo isusocodkii Magaalada Ceel-la-helay iyo dhulka miyiga ah eek u hareeraysan, dadku way la fajacsan yihiin waxa sababay, waxase ay u muuqdaan kuwo cabudhin wada oo u qaab eg ciidankii Siyaad Bare ee magaalooyinka iska xidhan jiray” ayuu yidhi Caaqil Aw Roole Cali oo ah muwaadinka la soo xidhiidhay shabakada.

Isaga oo hadalka sii wata ayaa waxa uu yidhi “Xaaladu waa mid argagax leh, ma naqaan waxa sababay bandoodan, waanan ku dhibanahay, xoolahii iyo dadkiiba way xayireen ciidankaasi, neef habeen kaa lumay raadcadiisa ma kartid, adeeg kalena iskaba daa hadalkiis, waxana aan cambaaraynaynaa falkaas bandooda ah, waxana aan xukuumada dhexe leenahay hadii aad ogtihiin naga qaada waan dhibsanaye, hadii aydaan ogayna waan idin ogaysiinaynaa ee arintaas wax ka qabta.

Dhinaca kale waxa ay wararku sheegayaan in xaalada Amniga ee degaanadaas bariga Lughaya ay faraha ka sii baxayso kadib markii ciidamada milatariga ah ee loo yaqaan Cutubka-Samsam ay bilaabeen in ay hawlgalo aanan dulucdooda la garanayn ka sameeyaan deegaanadaas bariga Lughaya, iyada oo ay xusid mudan tahay in dadka degaanka ee Nabada Jecel ay marar badan oo hore cabasho ka gudbiyeen ciidankaas dhaqanka maleeshiyo beeleedka leh ee degan Fuguxo, sidoo kalena ay ciidankaas maalmahan dambe kordhiyeen xayiraada, cadaadiska, cagajiglaynta, bandooda habeenkii ah iyo is abaabul aaanay dadka degaanku garanayn meesha uu ku wajahan yahay balse ah mid sababi karo kacdoon shacab oo ka dhan ah ciidankaas iyo xukuumada Fadhiidka ah ee xisbiga Kulmiye.

Yeelkeede, Ciidamadan iyo falkan Bandooda ah ayaa waxa uu ku soo beegmayaa waqti ay dadka ku dhaqan bariga Lughaya si wayn uga biyo diidsan yihiin diiwaangalinta la tahriibinayo ee ay xukuumadu rabto inay gayso degaanada Bariga Lughaya ee 6-da ah