
Ciidamada maamulka Puntland oo dib ula wareegay gacan ku heynta degmada Qandala
by mahad | Sunday, Dec 4, 2016 |
December 03(Jowhar)- Ciidamada Puntland ayaa u suurtogashay inay dib ula wareegaan magaalada Qandala oo muddo ka badan 30 cisho ay gacanta ku hayeen maleeshiyaad taabacsan ururka Dowlada Islaamiga ama IS.
Dagaal xoog leh oo ka dhacay magaalada Qandala ayaa sababay in ay maleeshiyaadkii IS ama Daacish ay dib ugaga gurtaan iyadoo duqeyn dhinaca badda ahna ay taageerayeen ciidamada lugta ah ee Puntland.
Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan iyadoo inta badan dadkii ku noolaa magaalada Qandala ay ka barakaceen kadib markii ay la wareegeen maleeshiyaadka Daacish.
Dagaalkan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee si toos ah ay isaga horyimaadaan dagalyahanada ka goostay Alshabaab kuna biirey Daacish.