Ciidamo taageersan Musharax Sheekh Shariif iyo Farmaajo oo Muqdisho buux Dhaafiyey iyo Xaalad ka dhalatay

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa magaalada Muqdisho ku soo ururay ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa milateriga oo la sheegay inay qaarkood kala taageersan yihiin musharixiinta madaxweynaha.

Ciidamadan oo intooda badan ka yimid Gobollada Shabeelada Hoose iyo Shabeelada Dhexe ayaa musharixiinta ay taageersan yihiin waxaa ugu horeeya Shariif Sheekh Axmed, waxaana jira ciidamo kale oo taabacsan Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo musharixiin kale.

Arrintan ayaa dhalisay xaalad cabsi oo dhinaca nabadgelyada doorashada madaxweynaha ah, waxaana socday dadaallo lagu doonayo in ciidamadaasi looga saaro magaalada Muqdisho oo aan weli lagu guuleysan.

Saraakiisha AMISOM ayaa la sheegay inay damaanad qaadeen ammaanka Doorashada madaxweynaha, laakin waxaa caasimadda ku sii badanaya maleeshiyo iyo ciidamo iskood u taageersan musharixiinta xilligan xasaasiga ah.

Madaxweynihii hore ee Puntland oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha ayaa isna ilaalo uu ka watay magaalada Garowe la tegay Muqdisho, waxaana ay xaalado ka abuureen shirarka Aqalka sare.

Guddiga Doorashada madaxweynaha oo qeyb ka mida loo xil saaray ammaanka musharixiinta ayaa xaalad adag soo wajahday iyadoo musharixiin badan ay dalbanayaan in ammaankooda la sugo.