
C/qaadir Cosoble oo ku guuleystay Kursiga Xildhibaannimo ee Aqalka Hoose
November 18 (Jowhar)— C/qaadir Cosoble Cali ayaa goor dhow ku guuleystay Kursiga Xildhibaannimo ee Aqalka Hoose, kaddib doorasho adag oo goor dhow ka dhacday magaalada Jowhar.
Doorashada Kursiga Xildhibaannimo ee Beesha Warsangeli Abgaal ayaa aheyd mid aad u adkeyd, oo ay ku loolamayeen Muxiyadiin Xasan Jurus iyo C/qaadir Cosoble Cali..
Labada nin ayaa dhaqaale aad u fara badan geliyay sidii uu mid walba uu u guuleysan lahaa, iyadoo Muxiyadiin Xasan Jurus uu taageero ka helayay Madaxtooyada.
C/qaadir Cosoble ayaa ku badiyay 34 cod, halka Muxiyadiin Xasan Jurus uu helay 17 cod, sidaas waxaa kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Warsangeli Abgaal ku guuleystay C/qaadir Cosoble oo markii labaad noqday Xildhibaan.
Tartanka Kursigan ayaa ahaa kii ugu xiisaha adkaa, marka loo eego kuraasta labada aqal, maadaama kursigan ay Madaxtooyada dooneysay in looga adkaado C/qaadir Cosoble oo loo arko Musharax caqabad ku noqon kara Madaxweyne Xasan Sheeh
Taliyaha Madaxtooyada iyo xubno kale oo xalay gaaray magaalada Jowhar ayaa la sheegay in dhaqaale fara badan geeyeen, si uu u soo baxo Muxiyadiin Jurus.
C/qaadir Cosoble ayaa ah siyaasi galaan-gal badan, isla markaana mar kale ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha, waxaa loo arkaa inuu ka mid yahay Musharaxiinta loolanka la geli kara Madaxweyne Xasan Sheekh.
Kursigan ayaa noqonayaa kii ugu lacagta badnaa, waxaana la sheegayaa inay ku baxday lacag ka badan Hal milyan oo dollar.
Waa Musharaxii labaad oo Madaxtooyada wadatay oo looga guuleysto Kursiga Aqalka Hoose, todobaadkii hore ayaa doorasho ka dhacday Baydhabo ayaa Wasiirkii Maaliyada Maxamed Aadan Fargeeti looga adkaaday.