C/raxmaan Faroole oo ka mid noqonaya musharixiinta aqalka sare ee baarlamaanka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo uu ku dhawaaqo liiska musharixiinta Puntland u matali doonto aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya iney socoto diyaar garowgii ugu dambeeyay ee loogu jiro ku dhawaaqista 22 xubnood oo isku soo sharaxday iney Puntland u matasho aqalka sare ee baarlamaanka.

Puntland ayaa waxay heshay 11 xubnood oo aqalka sare u matali doono, laakiin liiska musharixiinta ee uu shaacinayo madaxweyne Gaas ayaa waxaa la horgeynayaa baarlamaanka Puntland.

Marka baarlamaanka la horgeeyo musharixiinta dooneysa aqalka sare ayaa waxaa laga sugayaa in baarlamaanka ay soo xulaan 11 xubnood oo lagu wareejino gudiga doorashooyinka dadban ee dalka.

Warar Jowhar.com heshay ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole uu kamid yahay musharixiinta dooneysa aqalka sare ee baarlamaanka.

Xubnaha kale ee la hadal hayo iney Puntland u matalaan aqalka sare waxaa kamid ah Cali Xaaji Warsame oo ah musharax madaxweyne ahna wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland iyo Generaal Maxamed Saciid Morgan iyo xubno kale.

Aqalka sare ee baarlamaanka oo ka kooban 54 xubnood ayaa 11 kamid ah waxaa la siiyay maamulka Puntland.

Maalintii shalay ayaa waxaa ku ekaa xiligii lagu balamay in maamul goboleedyada kusoo gudbiyaan wakiiladooda, balse haatan waxaa loo qabtay labo maalin.