Daacish oo sheegtay in ay ka dambaysay weerarkii Masiixiyiinta lagu laayey ee ka dhacay Masar

Daacish oo sheegtay in ay ka dambaysay weerarkii Masiixiyiinta lagu laayey ee ka dhacay Masar

  • Sawri ka mid ah kuwii laga soo qaaday goobta dadka lagu laayeyLahaanshaha sawirka .
Image caption Sawri ka mid ah kuwii laga soo qaaday goobta dadka lagu laayey

Kooxda la baxday Dawladda Islaamka ayaa sheegatay in ay iyadu ka dambaysay weerarkii lagu hoobtay ee Jimcihii lagu qaaday Masiixiyiinta Masar.

Sideed iyo labaatan qof ayaa la dilay markii rag madaxa soo duubtay ay rasaas ooda kaga qaadeen bas siday koox Masiixiyiin Qibdiyiin ah oo ku sii socday meel macbad ah.

Xalay ayaa boqolaal qof oo u baroor diiqaya dadkaa la laayey waxay ka qayb galeen aaska dadkaa la laayey.

 Milatariga Masar ayaa weerarkaa kaga falceliyey weerarro xidhiidha oo ay xalay ku qaadeen diyaaradahooga dagaalku xeryo tababor oo ay kooxdu ku leedahay dalka ay deriska yihiin ee Libya.

Kooxda Dawladda Islaamku waxay sidoo kale hore u sheegatay weerarro taxane ahaa oo hore loogu qaaday Masiixiyiinta Masar dhawrkii bilood ee horee la soo dhaafay.