Dadaallada ciidamada dalka iyo kuwa Amisom oo wiiqay awooda Shabaab ee Soomaaliya..

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abdisalam Hadliyeh Omer ayaa sheegay in dadaalka ciidamada isku dhafan ee hawlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ay keentay inay daciifto quwada kooxda argagaxisada Al-Shabaab iyaga oo isugu tagay goobaha ay ka taliyaan.

Abdisalam Hadliyeh ayaa u sheegay Qaramada Midoobay maalintii sabtida in ciidamada ammaanka Soomaliya iyo ciidamada huwanta, oo ay ku jiraan kuwa Kenya eey ciidan ahaan ka adkaadeen Al-Shabaab”.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Maanta, Al-Shabaab waxa ay maamulaan in ka yar boqolkiiba 10 dhulka dalka. Bilihii ugu danbeeyay qaar badan oo hogaamiyayaasha muhiimka ah ayaa laga dilay, kuwa kale ayaa ka baxay kooxda iyada oo fikirka khaldan iyo dulmiga ay wadaan run ahaantii dadka Soomaaliyeed ay imika fahmeen ayuu yiri.

” Mr Cumar ayaa uga mahadceliyay dalalka ciidamada ugu deeqay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), kaasoo, ayuu yiri, ay gacan ka gaysteen xasilinta dalka