Dadka Gambia oo Dooranaya Madaxweyne Cusub

Dadka Gambia oo Dooranaya Madaxweyne Cusub


Madaxweynaha Talada haya Yahya Jammeh

Madaxweynaha Talada haya Yahya Jammeh

Qiyaastii 880,000 oo reer Gambia ah ayaa sharci u leh inay ka codeeyaan in ka badan 1,400 oo goobaha codbixinta ah.

Qofka doorashada ku guuleysta ayaa shan sano xukumi doona dalka gambia, oo ah dal aad u yar oo Britain ay gumeysan jirtay kaasi oo ku yaalla galbeedka Afrika.

Jammeh ayaa waxaa la tartamaya Adama Barrow oo ah musharaxa isbaheysiga toddoba xisbi oo midoobay, iyo Mamma Kandeh oo ka tirsan xisbiga Gambia Democratic Congress (GDC).

Dadka Gambia ee dalka dibeddiisa ku nool ayaa sheegay in dowladda ay xanibaad kusoo rogtay dhammaan isgaarsiintii oo ay ku jiraan baraha bulshada, aysanna awoodin inay la xiriiraan musharaxiinta ay taageersan yihiin.

Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa ku eedeynaya madaxweyne Jammeh inuu isku dayayo inuu xado doorashada inta aysan xittaa billaaban.