Dagaal Al-shabaab iyo ciidamada dowladda ku dhaxmaray deegaanka Ceelcadde ee gobolka Hiiraan

Wararka ka imanaya deegaanka Ceelcadde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta uu halkaa dagaal ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab.

Dad ku sugan deegaanka Ceelcadde ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka oo ahaa mid xoogan oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la ogyahay saddex ruux oo ka wada tirsanaa dhinacyadii dagaalamay ayaa dhintay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen.

Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in ay soo weerareen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda deegaanka Ceelcadde oo 70km u jira magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha dowladda ama Al-shabaab oo ka hadlay dagaalka ka dhacay gobolka Hiiraan.