Dagaal mar kale ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo, xabbad joojintii labaad kadib

Subaxnimadii hore ee maanta oo Salaasa ah ayaa mar keliya la maqley rasaasta culus ee ka dhacaysa qorayaha waaweyn taas oo ka imaaneysa meel Gaalkacyo uga beegan dhanka Koonfureed.

Warar ka laga heleyo ayaa sheegaya in ciidamada Galmudug iyo Puntland ay is dhaafsadeen rasaasta, taas oo joogsatey muddo saddex saacadood ah kadib, ma cadda cidda bilowdey rasaasta, sidoo kale waxaan jirin wax khasaare ah oo ilaa hadda ka dhashey taas oo la gaarsiiyey goobaha caafimaaka.

Maalintii shalay waxaa shir afargeesood ah yeeshay Raysalwasaaraha xukuumadda Federaalka, ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo labada Madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxaa shirka la soo geliyey labada taliye ee ciidamada Puntland iyo Galmudug Siciid Dheere iyo Qooje, waxaana lagu heshiiyey in aysan xabbad danbe dhicin Jimcadana laba guddi isugu yimaadaan Gaalkacyo.

Waxaa adag in xabbad joojin la sameeyo haddii aan ciidamada la kala qaadin, maadaama xabbad joojintu si fudud ku burburi karto.

Waa markii saddexaad oo dagaal dhaco iyada oo xabbad joojin lagu heshiiyey.

Dagaalka ugu culus ee ka dhacay duleedka Gaalkacyo ayaa dhacay maalintii Axadda kas oo Puntland ay guul ka sheegatey, lana wareegtey goobihii horey magaalada looga duqeyn jirey.