Dagaal Siyaasadeed U Dhaxeeya Xasan Sheekh Iyo C/laahi Goodax Oo Ka Socda Magaalada Jowhar

Dagaal Siyaasadeed U Dhaxeeya Xasan Sheekh Iyo C/laahi Goodax Oo Ka Socda Magaalada Jowhar

Dagaal siyaasadeed xoogan oo u dhaxeeya Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Xasan SHeekh Maxamuud iyo  Wasiir hore Cabdilaahi goodax Barre ayaa wuxuu ka taaganyahay magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle.

Sida ay sheegayaan warbixinnada laga helayaao Jowhar C/hi Goodax ayaa u tartamaya kurisga xildhibaannimo ee afartii sano ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyey, waxaana xilligan kurisgaas kula dagaalamaya Xasan Sheekh oo aad uga soo horjeeda in Goodax uu soo baxo.

Waxa lagu soo waramayaa in magaalada jowhar la geeyey lacag gaareysa ku dhawaad nus Milyan oo doolar oo lagula dagaalamayo Goodax, waxaana lacagtaas gacanta musharxiinta la tartameysa, oo loogu talagaly in lagu kala iibsadio Ergada kursiga u codeeneysa.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle ayaa la sheegayaa in gacan siinayo Goodax islamarkaana uu kasoo horjeedo shakhsiyaadka uusoo saarayo Xasan, waxaana taas ay keentay in dhaqaale badan lagu bixiyo doorashada.

Tartanka oo laga yaabo in uu maanta qabsoomo ayaa la filayaa in uu noqon doono kusiga labaad ee ugu lacagta badan dhamaan kuraasta xubnaha aqalka hoose ee lagu doortay Jowhar.