Dagaalyahanadii Daacish ee shalay qabsaday Qandala oo xalay isaga baxay

Dagaalyahanadii ka tirsanaa Daacish ee shalay qabsaday degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa xalay isaga baxay, iyadoo ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay ku wajahan yihiin degmadaas.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalyahanadan ayaa gaarayay illaa lixdameeyo ruux oo aad u hubeysnaa, waxaana ay calan madow ka taageen xarumihii maamulka degmada.

Dagaalyahanadan ayaa intii ay ku sugnaayeen Qandala aysan wax dhibaato ah u geysan dadka fara ku tiris ahaa ee ku haray deegaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalyahanadan ay galeen dhanka buuraha, oo markii hore ay ka yimaadeen.

Xaalada deegaanka Qandala ayaa saaka ah mid degan, waxaana shalay illaa xalay dul heehaabayay diyaarado aan la ogeyn halka laga leeyahay, hase ahaatee dhinaca badda ka yimid.

Qandala ayaa qiyaastii 77km dhanka bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, waxaa deegaan istiraatiiji ah oo caan ku ah jilaabashada kalluunka.

Waa markii u horeysay oo dagaalyahano ka tirsan Daacish ay la wareegaan deegaan ka tirsan Soomaaliya, tan iyo markii kooxdan shaacisay inay saldhig ku leedahay gudaha Soomaaliya.