Dalka Norway oo qorshenaya sharci mamnuucaya indhoshareerka goobaha dugsiyada iyo jaamacadaha..

Indhashareerka aya laga mamnuucaya dugsiyada iyo jaamacadaha guud ahaan wadanka Norway iyagoo daba socda dhaqamo  la mid ah dalalka kale ee Yurub, sida uu sheegay wasiirka waxbarashada ee Norway.

Dowladda garabka midig ee dalka ayaa xaqiijiyay inay tixgalinayaan”xeerarka qaranka oo mamnuucaya indho-shareerka goobaha dugsiyada iyo jaamacadaha”, talaabada oo ay taageerayaan xisbiga mucaaradka.

Wasiirka Waxbarashada Torbjörn Roe Isaksen ayaa xaqiijiyay mamnuucidda ay ku ekaan oo kaliya indho-shareerka islamarkaana ay ka mid aheen labiska kale ee islaamka sida xijaabka, iyo niqaabka.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu difaacay xaqa uu qof walba oo noorwiijiga uu leeyahay inuu ku muujiyo diintooda taasoo ah mid ka duwan sharciga adag ee ka dhacay France..

Todobaadkii hore, baarlamaanka Bulgaria ayaa u codeeyeen in la ansixiyo sharciga mamnuucay meelaha dadweynaha dharka culus, iyagoo xiganaya cabsida sii kordhaysa ee argagixisada.