Dawlada Soomaaliya oo sheegay in gudoomiyaha gobolka Meru uu sabab u noqday mamnuucida la mamnuucay qaadka -VIDEO

Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in mamnuucida ay ku soo rogtay qaadkii Kenya Soomaaliya uga imaan jiray gobernatooraha degmada Meru uu sabab u ahaa.

Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in gobernatooraha Meru, Peter Munya uu u adeegsanayo qaadka in uu ugu ololeeyo kala qeybsamida Soomaaliya. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi Kenya ayaa sheegay booqasho bishii Luuliyo uu Mr. Munya ku tagay Hargeysa in uu  dawlada Soomaaliya ku qasabay inay Soomaaliya ka joojiyaan qaadka.

“Tani waxay ku keentay cadaadis aan loo adkeysan karin dawlada. Waxaanu soo afjarnay ganacsiga qaadka si arimahaan wax looga qabto,” sidaa ayuu yiri safiirka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan.

Isniintii ayaa dawlada Soomaaliya ku dhawaaqday in wixii loo gaaro 6da bishaan ay joojisay diyaaradihii qaadka ka keeni jiray Kenya ilaa amar dambe