Dhallinyarada Afrikaanka een diinta Islaamka waxbadan ka aqoon oo ay qortaan Alshabaab iyo Boko xaram

Dhallinyaro badan oo Afrikaan ah oo ku dhaca gacmaha argagixisada ayaan “waxba ka aqoonin ama wax aan naf lahayn ka yaqaanna” cilmiga diinta Islaamka iyo macnihiisa, sida lagu ogaaday cilmi baaris ay samaysay, Qarammada Midoobay.

Cilmibaaaristan ayaa middii koobaad ee nooceeda ah ee Afrika laga sameeyo, ayaa lagu darsay 500 oo dhallinyaro ah oo ay qoratay malayshiyaad ay ka mid yihiin Al Shabaab iyo Bookoo Xaraam.

Dhallinyaradaas markii ay ku biirayeen ururradan waxay u ahayd wakhtigii ay ugu baahi badnaayeen in ay shaqo helaan, sida cilmi baaristan lagu ogaaday.

Waxay sidoo kale cilmi baaristu sheegtay in dawladda oo tallaabo qaada ay noqon karto billawga wax ka qabashada arrintaas.

Dhallinyarada cilmibaaristan lagu sameeyay badankood waxay sheegeen in aysan soo marin nolol farxad leh isla markaasna aysan helin waalid dusha kala socda waxa ay carruurtoodu ku sugan yihiin.

Cilmibaareyaal ka socda barnaamijka hormarinta Qarammada Midoobay ee loo soo gaabiyo UNDP ayaa la waraystay dhallinyaro ay argagixisadu ka qoratay Kenya, Soomaaliya, Nigeria, Suudaan, Cakeroon iyo Niger si ay u dhamaystiraan warbixintooda.

Ururka al Shabaab oo fadhigiisu yahay gudaha Soomaaliya ayaa badanaa weerarro ka gaysta dalka Kenya, halka uruka Bookoo Xaraam ee Nigeria ka jiraana uu ku fiday dalalka ay dariska yihiin ee Niger iyo Cameroon.

 

Cilmi baareyaashu waxaa kale oo ay waraysiyo la yeesheen dad kale oo noloshoodu la mid tahay kuwa la qortay balse aan xagjir noqonin.

Cilmi baareyaasha oo ku salaynaya dadyawgii ay waraysiyada la yeesheen ayay sheegeen “in ugu yaraan lix sano oo madariso diimeed la dhigto ay yarayn karto macquulnimada ku biiridda argagixisada 32%”