Dhalxa oo ku baaqay in Soomaaliya aysan dhinac la safan khilaafka dalalka Khaliijka

Dhalxa oo ku baaqay in Soomaaliya aysan dhinac la safan khilaafka dalalka Khaliijka

by master | Wednesday, Jun 7, 2017 |

June 07 (Jowhar)— Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa, oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay xiriirka dowladda Soomaaliya kala dhaxeeya dowladdaha xiriirka u jaray Qatar  iyo dowladda Qatar.

Xildhibaan Dhalxa, wuxuu sheegay in xiriir wanaagsan Soomaaliya ay la leedahay dalalkaasi, islamarkaana dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay dhexdhexaad ka noqoto khilaafka cusub ee u dhaxeeya Qatar iyo dalalka Carabta.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inaysan marnaba dhinac la safan, loona baahan inay in xitaa ay gogol u dhigtaa dowladdaha xiriirka u jaray Qatar.

Sacuudiga iyo Qatar ayuu sheegay inay mashaariic kala duwan ka wadaan Soomaaliya, ayna doonayaan inay xiriirka sii wanaajiyaan, balse loo baahan yahay in khilaafkooda dhinac aan laga noqon, kadib wareysi uu siiyay idaacadda Goobjoog.

“Somaliya Labada dal xiriir wanaagsan ayeey la leedahay, waxaana naga dhaxeeya Jaamacadda carabta, Labada dowladoodna culeys siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid ummadeed waa ay nagala dhaxeeyaan, Sacuudiga iyo Qatar mashaariic bay doonayaan in Soomaaliya ay ka fuliyaan, wixii ay qabteenna waa la ogyahay”

“Labada dal safaarado ayeey dalka ku leeyihiin, walibana Qatar Km-4 ayeey safaaraddooda ku taallaa si ay nala wadaagaan waxa dalka ka jira, xiriirkeennana aad buu u wanaagsan yahay, marka arrimahan inaan annaga ku degdegin oo aan shaqo ku yeelan, ka fiirsanno oo Labada dhinac dhex dhexaad ka ahaanno ayaa loo baahan yahay” ayuu yiri Xildhibaanka.