Diyaarado Dagaal oo duqeyn ka geystay Duleedka Degmada Afgooye..

Wararka ka imaanaya duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa sheegaya Diyaarado dagaal inay duqeyn ku garaaceen deegaan ku yaalo duleedka Degmadaasi Afgooye.

Diyaaradaha dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in xalay saq dhexe ay duqeyn ka geysteen deegaanka Yimbis ee duleedka Afgooye, halkaasi oo la sheegay in saldhig ay ku lahaayeen dagaalyahannada Al-shabaab.

Ilaa dhowr gantaal oo si aad ah looga maqlay nawaaxiga Deegaankaasi ayaa lagu garaacay goobta Saldhiga ay ku lahaayeen Dagaalyahanada ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Lama oga cida bartilmaameedka uu ahaa, hayeeshe Saraakiil ka tirsan Ururka Shabaab ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen goobta la duqeeyay.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabellaha hoose weli kama aysan hadlin Duqeyntaan lagu garaacay deegaanka Yimbis.