Donald Trump oo doodda caawa uu la galayo Hillary Clinton usoo wadanaya Obama walaalkiis, Malik Obama

Doodda saddexaad islamarkaana ah tan kamadambeysta ah ee uu Donald Trump la galayo Hillary Clinton ayaa waxaa ay caawa ka dhici doontaa magaalada Las Vegas halkaas oo uu Mr. Trump usoo wadan doono Obama walaalkiis Malik Obama.


Guddiga wada olalaha doorashada Doland Trump ayaa ku casuumay mr. Malik Obama doodda caawa si uu u matalo taageerayaasha Donald Trump oo uu horay u sheegay in uu taageersan yahay siyaasaddiisa.

” – Aada ayaan ugu faraxsanahay in aan caawa kula kulmo Malik Obama hoolka doodda, sababtoo ah waa nin waxgarad ah oo ka fahmad wanaagsan walaalkii madaxweynaha ah”, sidaa waxaa yiri Donad Trump mar uu ka hadlayay casuumaadda loo fidiyay Malik Obama.

Malik Obama ayaa horay wareysi dheer oo uu siiyay joornaalka New York Times waxa uu ku taageeray Donald Trump, waxaa uu sheegay in mr. Trump uu dib usoo celinayao sumcaddi Mareykanku lahaa.

“Waxaan kaloo ku jeclahay xisbiga Trump ee Republican-ka, waxa ay kasoo horjeedaan guurka dadka isku jinsiga ah, taasna waxa ay ka mid tahay waxyaalaha isoo jiitay ee aan ku taageerayo Donald Trump”, ayuu wareysigaasi ku yiri mr. Malik.

Waxa kaloo uu sheegay in uu jecel yahay halhayska Trump ee ah «Make America Great Again».

Si kastaba doodan tii ka horreysay ayaa Donad Trump waxaa uu soo watay dhowr haween ah oo sheegay in uu faraxumeeyay sayga Hillary Clinton ee Bill Clinton.