
Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in Madaxweynihii hore, Mahmoud Ahmadinejad, laga mamnuucay in u tartamo doorashada madaxweynaha ee dalkaasi ka dhici doonta bisha soo socota.
Golaha ilaalinta danaha qaranka dalkaasi ayaa waxaa ay ansixiyeen lix qof keli ah inay doorashada madaxtinimada u tartamaan.
Waxaana kamid ah lixdaa qof ee la ansixiyay madaxweynaha hadda talada dalka haya ee Hassan Rouhani, iyo ninka loo arko in u yahay kan ugu mowqifka adag raga tartamaya ee, Ebrahim Raissie.
Waxa ay soo jiiteen daawadayaal farobadan waxaana loo arkay inay ahayeen kuwo sare u qaaday ololahii madaxweyne Rouhani sannadkii 2013-ka, balse haatan madaxweyne Rouhani ayaa walaac ka muujiyay in la joojiyo dooda Telefishanka waxa uuna sheegay in ka dacwoon doono talaabada lagu joojinayo dooda Telefishanka.