Doorashada USA: Colin Powel oo taageeray Hillary Clinton – VIDEO

Xoghayihii hore ee arrimaha Dibada Maraykanka Colin Powell oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa shaaciyey inuu codkiisa siin doono Murashaxa Xisbiga Dimuquraadiga Maraykanka ee Hillary Clinton.

 

Horey ayey qaar kamid ah kaadiriinta Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka u sheegeen inaysan taageeri doonin Murashaxooda Donald Trump oo ay fadeexooyin kala duwan lasoo darseen bilihii lasoo dhaafay, iyadoona ay muuqato hada in ay dhanka cododka uga horeyso Hillary Clinton.

Colin Powell oo noqday Xoghayihii ugu horeeyey ee Arrimaha Dibada ee Maraykanka oo Madow ah ayaa Donald Trump ku tilmaamay nin aan lagu aamini Karin xilka ugu sareeya dowlada Maraykanka.

Doorashada Maraykanka ayey ka hartay 12 maalmood oo kaliya, waxaana qaar kamid ah gobalada dalkaasi horey uga sii bilowday in dadka qaarkiis ay codkooda sii dhiibtaan kahor maalinta doorashada oo ku beegan 8da bisha soo socota ee November.