Doorashada xubnaha golaha shacabka oo bari ka bilaaban doona Kismaayo iyo Baydhabo

Afhayeenka guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya Maxamed Keynaan oo lahadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in doorashada xubnaha golaha shacabka ay maalinta barri ah ka billaaban doonto magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo oo xarumo u ah maamulada Jubbaland iyo K/Galbeed.

Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in si wanaagsan ay u socdan howlaha doorashooyinka ee dalka, islamarkaana rajo wanaagsan ay ka qabaan in si qurux badan ay usoo dhamaadaan.

Guddiga doorashooyinka dadban ayaa dadaal weyn ugu jira hirgalinta doorashooyinka dalka.