
Doorashooyinka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ayaa dib loo dhigay si diyaargarowga waqti haboon loogu helo, taasi waa sida uu qabo madaxweynaha waddankaasi Joseph Kabila.
Madaxweyne Kabila ayaa beeniyey eedaymaha ah in dib u dhigidda doorashadu qayb ka tahay qorshe lagu doonayo inuu awoodda ku sii hayo marka ay dhammaato mudada uu haynta xilka u ogolyahay dastuurku oo ku xadidan laba goor.
Wuxu sheegay in hadii doorashooyinku u qabsoomaan sida dastuurku dhigayo ay ilaa toban milyan oo qof oo aan la diiwaan gelin oo u badan dad da’yar ah aanay codkooda dhiiban karin doonin.
Madaxweyne Kabila wuxu Tanzania u tagay wadaxaajood ku saabsan in saliid laga baadho harada Tanganyika oo labada dal soohdin ka wadaagaan.
Dhawaan waxa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo ka dhacay bannaan baxyo xidhiidha ah oo lagaga soo horjeedo suurtogalnimada ah in doorashooyinku dib u dhacaan.
Dadka ka soo horjeeda madaxweyne Kabila, waxay rumaysanyihiin in dib u dhaca looga dan leeyahay in uu isagu awoodda ku sii hayo si aan dastuuri ahayn.
Beesha caalamku waxay cabsi ka qabtaa in mudaharaaddada oo daba dheeraadaa keeni karaan dagaal sokooye oo mar kale dalka ka dhaca.