Dowladda Colombia iyo fallaagada FARC oo wada saxiixday heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda socotay muddada ka badan nus qarniga.

Dowladda Colombia iyo fallaagada FARC ayaa wada saxiixday heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda socotay muddada ka badan nus qarniga.

Madaxweyne Juan Manuel Santos iyo hoggaamiyaha fallaagadani Rodrigo Londono oo loo yaqaan Timochenko, ayaa xaflad ka dhacday magaalada Cartagena, waxa ay qalin rasaas ka sameysan ku saxiixeen heshiiskaasi.

Waxaana markii ugu horreysay ay isku gacan qaadeen oo ay isku saalaameen gudaha dalka Colombia.

Timochenko ayaa loo sacab tumay kaddib markii uu raalligelin u jeediyay dadkii reer Colombia ee ku waxyeeloobay colaaddani.

Madaxweyne Santos ayaa fallaagada ku soo dhaweeyay dimuquraadiyadda, waxa uuna sheegay in maalin cusub ay u dhalatay shacabka reer Colombia.

Xafladda lagu saxiixayay heshiiskan ayaa waxaa ku sugnaa hoggaamiyeyaal caalami ah iyo marti kale oo dhammaantood xirnaa dhar cad oo astaan looga dhigay nabadda , waxaana dadka reer Colombia ay axadda soo socota afti dalkaasi ka dhici doonta go’aan uga ka gaari doonaan heshiiskaasi.