Dowladda federaalka oo ka hadashay halka ay mareyso soo daabicista lacagta shilin Soomaaliga

Wasiirka wasaarada maalinta xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beylle ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha ay dowladda wado oo ah soo daabicista lacago cusub.

Wasiirka ayaa sheeegay in dowladda oomaaliya oo kaashaneysa Bankiga Aduunka ay socdaan qorshe lacago cusub lagu soo daabacayo.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay mar walba in Soomaaliya ay lacago cusub soo daabacdo islamarkaana ay ka shaqeynayaan hormarinta lacagahaasi, isaga oo intaa ku darray in tirada lacagaha la soo daabacayo la isku afgartay balse ay socdaan qorshaha lagu daabici lahaa oo keliya.

“Waxa haray waxa weeye lacagtii, lacagtan lagu daabici lahaa oo aan lacag yar aheyn aya dhiman, taasina aad baan uga wada shaqeyneynaa World Bankiga, IMF iyo annaga.” Ayuu yiri Wasiir Bayle.

Dowladda Federaalka ee Somaaliya xilligaan adag ee lagu jiro waxaa lagama maarmaan ah in dalka ay u sameyso lacago daboola baahida bulshadu u qabto fududeynta adeegyada ganacsiga.