Dowladda Soomaaliya oo dhowaan la wareegeyso furaha dalka ee 252

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dhowaan la wareegeyso furaha dalka ee 252

by A M Tuesday, Jul 18, 2017 
 July 18 (Jowhar)— Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhowaan dib ula soo noqon doonto furaha lambarka dalka ee 252, kaasoo ay gacanta ku hayaan Shirkado Gaar loo leeyahay.

 

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in geed gaaban iyo geed dheer u fuuli doonaan sidii gacanta dowladda loogu soo celin lahaa furaha 252 iyo domain-ka Internet-ka ee .SO oo ay maamulaan shaqsiyaad Soomaali iyo Ajnabi isugu jira.

“Dowladda Soomaaliya waxay mas’uul ka tahay furaha 252 oo ah hanti qaran iyo domain-ka astaanta Internet-ka ee .SO waxay ku cad yihiin xeerka, waa hanti qaran oo umadda ka dhaxeysso, dowladda gacanteeda ayay ku soo noqoneysaa”ayuu yiri Wasiir Canshuur.

Waxaa uu sheegay in marka dolwadda Soomaaliya ay gacanteeda ku soo noqoto labadaas adeeg ay shirkadaha isgaarsiinta ay u sameynayaan xeer kala nidaamiya oo ku aadan adeegyada Internet-ka sida Fibre Optic iyo Satelite, si loo helo adeeg tayo leh oo la isku haleyn karo.

Tan iyo markii ay bur burtay dowladdii Dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991, ayaa waxaa adeegyadii ay dowladda qaban laheyd waxaa la wareegay Ganacsato Soomaali iyo shaqsiyaad macaash ka raadiya.