Dowladdaha Soomaaliya iyo Sudan oo kala saxiixdey heshiisyo dhowr ah

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Sudan Cumar Xasan Al-bashiir oo si wadajir ah saxaafadda ula hadlay ayaa bogaadiyey wada-xaajoodyada ku aaddan iskaashiga Soomaaliya iyo Sudan.

Madaxweynaha JF Soomaaliya ayaa dhiggiisa Dalka Sudan uga mahad celiyey taageerida Sudan ay la garab istaagtay Soomaaliya inta ay burbursaneed ilaa haatan, gaar ahaan dhanka Waxbarashadda.

Heshiisyada ay isla garteen Labada Dal ayaa waxaa kamid ah :-

  • Waxay isla garteen labada Madaxweyne muhiimadda ay leedahay in la helo Iskaashi dhaqaale oo dhex mara dowladdaha geeska Africa, Mustaqbalka dhowna lagu dhawaaqo midow Ganacsi oo ay ku midaysanyihiin dowladdaha geeska africa.
  • Waxay isla garteen labada dhinac in la iska kaashado dhinacyadda Beeraha, Waxbarashada, Ganacsiga xoolaha, Baasaboorka, Safaradda iyo Duulimaadka shacabka.
  • In la sameeyo Guddi Siyaasadeed ee Wasaaraddaha arrimaha dibadda labada dhinac si loo dardar galiyo xariirka dhabaha cusub loo xaaray ee Somalia iyo Sudan ka dhaxeeya.

Hishiisyadan ay wada gaareen madaxda wadamada Soomaaliya iyo Suudaan ayaa u daneeynayo shacabka labada dal, waxaana la sheegay in ay xoojinayaan Saaxiibtinimada qotada dheer ee Soomaaliya iyo Sudan.