Dowladdda DF Soomaaliya oo dib u eegis ku sameyneysa heshiisyadii ay gashay dowladdii hore (Video)

Wasiirka wasaarada warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa shir jaraa’id ka sheegay in dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dib u eegis ku sameyn doonto heshiisyadii ay horay u gashay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xassan Sheekh.

Arintan ayaa timid kaddib markii xukuumada Soomaaliya sheegtay in ku wareejintii dowladda Itoobiya Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax ay qeyb ka aheyd heshiis ay horay u wada galleen dowladdii Xassan Sheekh Maxamuud iyo Itoobiya.

Wasiirka ayaa sheegaya in seshiisyadaasi lagu sameyn doonto qabyo tir,islamarkaana la waafajin doono sharciyadda u yaalla dalka Soomaaliya.

Waxaa kaloo uu sheegay in dowladda Soomaaliya u aragto qaar ka mid ah heshiisyadaa in ay noqon karaan kuwa aan sharciga waafaqsaneyn.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay u cuskatay Dhiibistii Qalbi-Dhagax heshiis hore, ayaa haddana waxaa arntaa su’aalo badan ka keenay, islamarkaana ku tilmaamay kuwa aan maan-gal aheyn sharci-yaqaano Soomaaliyeed oo sheegay in aysan is waafaqsaneyn warka ka soo baxay xukuumada iyo tallaabada ay Itoobiya ugu dhiibtay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax.